Lemon

Liin dhanaanta iyo faa’iido laga helo

Liin dhanaantu waa nooc kamida khudrada waxaana laga hela noocyada kala duwan ee nafaqada.

waxaaan doonaya inaan wax idinkaga sheego qaar kamida faa’iidooyinka caafimaad ee laga helo liin dhanaanta waxay ka kooban tahay qaybaha kala duwan ee nafaqada balse waxay qani ku tahay faytamiinada sida vitamin c,vitamin B,iyo noocyada kala duwan vitamin B complex sida thiamine, reboflavin,niacin.

Liin dhanaantu waxay sare u qaada ama ay xoojisaa difaaca jidhka maxaa yeealay xadiga badan vitamin c ku jira ayaa wuxuu ka shaqaynaya in difaaca jidhka in ay xoogaystaan.

Liin dhanaanta waxaa ku jira ama laga helaa citric acid oo waxayna burburisaa ama ay jajabisa dhagaxaanta ku samaysma kalyaha iyo xamaytida.

Liin dhanaantu waxay yaraysa ama ay ka hortagta caabuqyada ama infekshinka maxaa yeelay vitamin c ku jira liinta ama laga helo liinta waxay la dagaalanta noocyada kala duwan jeermiska sida bakteeriyada iyo fangayga.

Liin dhanaantu waxay caawisa shaqada beerka oo waxayna beerka ka nadiifisa waxyaabaha sunta oo beerka halista ku keenikara sida uric acid.

Liin dhanaantu waxay ka hortagta dhiigyarida maxaa yeelay waxaa ku jira vitamin B sidoo kale waxaa ku jira macdanta iron oo ka qayb qaadata bogsashada dhaawaca sida dadka ciridka kadhiiga.

Sidoo kale waxaa laga hela fiber iyo xadi yar protein carbohydrates iyo fat aan badnayn liin dhanaanta waxaa ku jira ama laga hela noocyada kala duwan macdanta sida Iron,magnesium,potasium,calciam guud ahaantood waxay muhiim uyihiin caafimaadka jidhka oo haddii midkood jidhkeena ku yaraado caafimaadkaagu khatar gali karo.

Liin dhanaantu waxay sare u qaada ama ay xoojisaa difaaca jidhka maxaa yeealay xadiga badan vitamin c ku jira ayaa wuxuu ka shaqaynaya in difaaca jidhka in ay xoogaystaan.

Lemon
Lemon

Exam

Talo bixin muhiim ah imtixaanka ka hor inad samayso

Kahor inta aadan akhrin iskuday in aad ka fogaato waxwalba ku mashquulinaya sida mobilka iyo aaladaha Kale elegtarooniga ku ogolanaya in aad gashid baraha bulshada ee kala duwan si ay ku mashquuliyaan.

Degso qorshe aad wax ku akhrinayso ama aad ku murajicaynayso adigo dajinaya malinwalba iyo saacad Walba waxaad qabanlahayd.

Ku dadaal inad hesho waqti aad ku jimicsato arintaasi waxay ka kalmaynaysa in maskaxdaadu in ay firfircooni samayso waxayna ku ilowsinaysa walwalka xaladaha ku haysta ee kala duwan.

Waqtiga imtixaanka si fiican uga faker caafimaadkaaga hacunin cunto aadan cuni jirin si aysan calooshada samayn ugu yeelan cunto haddaad cunayso hayska dhargin wuxuu yiri imaamu shaafici {dharagtu jidhka way cuslaysiisa qalbigana way qalajisa caqligana way suulisa waxayna keenta hurdo in aad cibaado samaysidna wayna daciifisa}.

Xiliga aad wax akhrinayso ku dadaal in aad qaadato waqti nasasho bireega marwalba aad dareento culays sida caajis,hurdo,Iwm.

Niyad jabka iyo calaacalka jooji maskaxdaadana kabixi fikradaha dadka maskaxda leh ayaa baasaya waqtiga aad hadda ku jirtid ayaa ah waqtiga dhabar adayga in aad niyad jabto oo aad qalqasho faca ayaad ka hadhaysa.

Marka aad waxmuraajacaynayso ka bilow casharada fudfudud si aad meel isaga tiiriso lakiin marka aad imtixaaan ku jirtid bilcagsigeeda samee ka bilaw mida adag.

Exam
Exam

Dr-mahathir

Taariikhda raysalwasaarihii hore dalka maleysiya ilayskii usoo baxay dalka maleysiya aabihii horumarka mahatiir maxamed

Mahatiir maxamed wiil yar suuqa mooska ku iibiya haddana noqday hogaamiye dalka maleysiya waa Qisada dhabta nolosha halyaygan muslimka waa hogaamiyaha dhabta ee lagu tilmaami karo inu yahay Hogaamiyayaashii dunida ugu aragtida dheera dunida abid soomara.

Dalka maleysiya waa dal dhul ahaan aad uwaynayn masafada dalkaas waxaa lagu tilmaama{sadex boqol iyo labaatan kun kilomitir labajibaaran}tirada dadka maleysiya waxay dhanyihiin 27milyan.

Sanadkii 1981 ka hor waxay ahayeen dadka maleysiya dad aad uga hoseeya xagga nolosha waxbarashada,cafimaadka, iyo dhammaan kabayaasha dhaqaalaha waxaana lagu tilmaami jiray dadka kaynta madaama ay ku noolayeen kaymaha kana shaqaysan jireen samaynta xabagta beerashada mooska Iyo cananaaska celcelis ahaan dhaqalaha sanadlaha ee soo gala qofka maleysiyanka ah waxa uu ka hoseeyay kun dollar sanadkii.

Waxaa xiliga soconayay colaad ku salaysan diimo udhaxaysay sideed iyo toban diimood ka jiray dalka Sidoo kale waxaa ka dhacayay colaado iyo dagaalo isdaba jooga oo ku salaysan isir nacayb madaama Dalkaasi wadadaganyihiin qoomiyadha aasiya sida china,hindida,iyo qoomiyada layiraahdo malaay.

Xaalada mugdiga badan ay hagoognayd dalka maleysiya waxaa ilays unoqday halqof waliba kaso jeeda qoys danyar ah waa dr mahatiir maxamed.

Qofnocee ah ayuu ahaa mahatiir maxamed

Dr-mahathir
Dr-mahathir

Waxa uu ahaa yaranka sagaal caruur ah aabihiis waxa u macalin ka ahaa dugsiga hoose mushaharka u qaadan jiray maaha mid u suurtagalinaysay in uu rumeeyo wiilkiisa mahatiir riyadiisi ahayd in loo iibiyo baskiil uu ku tago iskoolka madaama ugudbay dugsiga sare dhaqaale xumida haysa qoyska mahatiir waxay ku kaliftay waqtigiisa ukala qaybiyo labo waqti waqti uu waxbarto iyo waqti uu iibiyo mooska iyo macmacaanka kuna iibinayo shaaricyada magaalada dadaal badan kadib waxa surtagashay mahatiir in u ku biiro kuliyada lagu magacaabi jiray kuliyada boqor idwaardo ee culuumta cafimaadka ee ku taalay singabuur intii jaamacada dhiganayay wuxuu caanka ahaa ardaydii dhigata kuliyadiisa madaama ku firfircoona qorista falooyinka cafimaadka waxbarashada horumarinta bulshada waxa uu madax unoqda ururka ardayda muslimiinta waxkabartay kuliyda boqor idwaardo.

Mahatiir ayaa dalkiisa dib ugu soo laabtay kadib marku ka qalinjabiyay kuliyada culuumta cafimaadka sanadku marku ahaa 1953 durbadiiba waxa ukamid noqday dhakhaatiirta dawlada inkasto markas maleysiya ku jirtay gumaysigii ingiriiska haddana mahatiir marlawaydiiyay.

Sidee naftiisu ugu ogolatay gumaysiga ingiriiska inu lashaqeeyo waxa u kujawaabay

anigu waxaan dawaynayay dadkayga iyagana ayaana wax usoo bartay cidkasta maamulaysay igama hor istaagin naftaydu inay lashaqayso dadka madaama dalka iyo dadku aasaas u ahayd xoriyada kadib markay hanteen dadka maleysiya xornimada waxa uu mohatiir furtay xarun cafimaad ugaar ahayd xaruntiisuna si lacag la’aan ah ayu adeeg caafimaad ugu fidinjiray dadka aan awooda dhaqaale ulahayn adeegyada caafimaad magaca iyo maamuuska mahatiir ayaa waqtiyar ku faafay dhammaan degaanka koti istaar oo ah gobolka uu kunoolyahay horena ugu dhashay arinkaasi waxay horseeday dr mohatiir maxamed in lugta lasoo galo arimaha siyaasada kadib markii gobolkaasi looga so doortay xubin barlamaan lagu kalsoonyahay.

Haddaba madaama siyaasadu tahay mid isrogrog badan oo aan kalasaarin dadka wanaagsan iyo dadka kale waxaa sanadkii 1969 laga xayuubiyay xilkii xildhibaanimo dr mohatiir kadib markii u jeediyay baaq dhaleecayn ah oo ku aadan raysalwasaarihii waqtigaas talada hayay oo la oranjiray tunk abdiraxmaan oo mahatiir ku tilmaamay inu ku fashilmay talada dalka madaama danta guud dalka ka hormarinayay danta qoomiyada china ee ku dhaqan dalka maleysiya baaqan muran badan dhaliyay ayaa sabab unoqday mohatiir laga xayuubiyo xubinimada golaha barlamaanka maleysiya sidoo kale isna wuxuu iskacasilay xubinimadii xisbiga dibunoqoshadan siyasadeed waxay fursad wayn unoqotay dr mahatiir waqti uhelay inu qoro buugiisa wayn lagu magacaabo malay dilemma buugas oo ah buug qaaliya oo u kagahadlayay dibu dhaca dalkiisa iyo dadkiisa.

Balse nasiibdaro xukumadii raysal wasaare tunku abdiraxma ayaa waqtigaa hor istaagay faafinta buugan madaama dr si kulul ucambaraynayo cagajiidnimada fikir la’aanta shacabka maleysiya gaar ahaan qoomiyada malayaha oo u kaso jeedo sanadkii 1974 waxa uu mahatiir ku guulaystay inu marlabaad dib ugu soo noqdo golaha barlamaanka maleysiya iyadoo lagu kalson yahay sidoo kale waxaa loo magacaabay wasiirka waxbarashada ee dalka maleysiya goobta ugu muhiimsan ee dad laga barbaariyo wadana lagu hogaamiyo.

Sanadkii 1981 loo doortay inu noqdo dr mahatiir raysalwasaarihii afraad ee soomara dalka maleysiya markii lawareegay jagada mahatiir raysalwasaaranimo waxa uu sawiray hiigsigiisa udoonayo inu gaadhsiyo maleysiya isago si cad uqeexay kala horaynta iyo kala muhiimsanaanta waxqabad golasha u hiigsanayo iyo miraha waxqabad la taabankaro waa waxkaliya hogaamiyayaasha caalamku isku dhafeen kala horayn waxqabad.

dhaqaalaha maleysiya markii hore ku tirsana xabagta iyo mooska waxa uu noqday mid sagaashan boqolkiiba ku tiirsan warshadaynta waxsoo saarista dalka.

Sanadkii 2003 waxa uu go’aansaday dr mohatiir in jagada raysalwasaaranimo kadago iyado dadka dalkaasi ujaceylyihiin ayna donayeen inta cimrigiisa ka dhiman mahatiir sii ahaado hogaamiye aan lataaban.

Lakiin taas waa u diiday mahatiir waxaana ku micneeyay jagadaasi ka dago in uu dib ugu celiyo dadka reer maleysiya si ay halkaas uga sii ambaqaadan geediga horumarka madaama talada dalka usoo hayay 21sano

baabasiir

Waa maxay baabasiir?

Baabasiirku waxa uu ka yimaada 95% boqolkiiba saxarada adag.

Markay saxaradu kugu adagtahay aadan saxaroon saddex maalmood, afar maalmood,shanmaalmood aadan saxaroon karin marka aad saxarootana saxara adag kaso baxayso kuna xanuunsanayso kuna dhibatoonayso baabasiirka keena,

Baabasiirku waxkale maaha waa xidid dilaacayo oo banaanka usoo dilaacaya ama gudaha u dilaacaya

baabasiir
baabasiir

Calaamadaha aad ku aqoonsan kartid baabasiirta

Waxaa ugu horeeya cuncun godka saxaradu kasoo baxdo geesaheedu ku cuncunaysa.

Saxarada marmar si dhuumasha kaga soo baxda adigoon filanayn.

Dhiig aad u cas oo lagu arko saxarada qaar.

Dhiiga saxarada inta badan lagu arko waxaa leh nooca Baabasiirta gudaha kajirta leh.

Xanuun qofku markuu saxaroonayo waxay ka mid tahay calaamadaha lagu garan karo baabasiirta.

Sidee uga hortagaysa baabasiirta Daawaynta ayaa ka wanaagsan kahortaga.

Waa in aad cuntaa cuntooyinka qalfoofta leh iyo kuwa buushaha leh waxaana ka mid ah cuntooyinkaaas Digirta,Galayda,hadhuudh,Iwm.

maxamed-mursi

Taariikhda madaxwaynihii hore masar maxamed mursi/geesigii hiilka waayay

Mursi ayaa dhashay bishii Augost sanadkii 1951 isagoo noqday madaxwaynihii shanaad masar soomara

Waxbarashada waxa uu bilaabay isagoo da’a yara aabihii beerole ayu ahaa ayaa ku sii qaadi jiray dhabarka Dameer ay lahayeen si uu iskuulka ugaadhsiiyo.

Wuxuu yimid caasimada dalka qaahira isagoo galay jaamacad qaahira gaar ahaan kuliyada engineerinka Mursi ayaa sanadihii sideetananaadkii shahadooyin kala duwan ka qaatay jaamacado ku yaala dalka Maraykanka gaar ahaan jaamacada university sourthern colifornia intii u kusugna maraykanka mursi Wuxuu kaliye professor ka noqday jaamacada caanka ah colifornia university isagoo sidoo kale kaso Shaqeeyay wakaaldaha hawada iyo cirbixiyeenada uqaabilsan maraykanka ee {NASA} shaqadaasi iska Casilay isagoo kuso noqday dalkiisi hooyo.

Noloshiisa siyaasada ayuu soo bilaabay sanadkii {2000 } markaasi oo barlamaanka masaarida doorasho Kuso galay waxa uu ahaa hogaamiye islaamiya qunyar socod ah iyo qofkii ugu sareeyay ururka masar Laga mamnuucay ikhwaanul muslimiin.

maxamed-mursi
maxamed-mursi

Hadaladiisi qiimaha badna diwaanka taariikh galay waxaa kamida:-

Ha dilinina libaaxyada dalkiina si aysan idiin cunin eeyda cadawga.

Waad xasuusan doontaan waxa aan idin leeyahay.

Lionel-messi

Taarikhda lionel messi

Waa kuma lionel messi?

Lionel-messi
Lionel messi

Lionel messi waa ciyaaryahan udhashay wadanka argentina.waxa uu dhashay 24 bishii june 1987 kuna Dhashay konfurta magaalada rosario dalkaas argentine.

Waxaa iska dhalay jorge messi oo ahaa shaqaale mid kamida warshadaha dalkaasi iyo celia maria oo Ahayd shaqaale nadafadeed qoyskiisu asal ahaan waxay kaso jedaan dalka talyaaniga awoowgii waxa uu Usoo hajiray dalka argentina sanadkii 1838.

Waxa uu leeyahay labo walaalood oo ka wayn sidoo kale waxaa la dhalatay gabadh.

Da,da 5 shan jirka ayuu ku bilaabay inu ciyaaro

Kow iyo tobanjirkiisi ayaa laga helay cudurka nusqaanka hormonedka

Bosnia

Macluumad ku sabsan dalka muslimka ee dhaca koonfur bari yurub

Dalka bosnia waa dal muslim ah waxa uu dhaca koonfur bari yurub mandaqada loo yaqaano balqanka waxayna ka mid ahayd Dawladihii loo yaqaanay juguslaafiyo ee burburtay bilawgii sagashamaadkii bosnia waxay xuduud la Laadahay dalka crotia,dhanka waqooyi galbeed iyo koonfurta daris kala ah dhanka barigana serbia Koonfur galbeedna jamhuuriyada montnegaro.

Dalka bosnia waxay leedahay xeeb aad u yar oo ilaa 26km ah kuna teetsan badda atlatic tirada dadka Bosnia waa 4milyan iyo 600kun {afar milyan & lixboqol kun} caasiamada bosnia sarajevo ugu dhawaaq {sarayefo} Badka guud ee bosnia waa 51kun km square waxaa looga hadla luuqadaha bosnia,serbia,& crotia.

Bosnia
Bosnia
Rafaadka iyo xanuunka ku dhaca ragga siigaysta Iyo waxyaalaha ay dhaxalsiiso siigadu

Rafaadka iyo xanuunka ku dhaca ragga siigaysta Iyo waxyaalaha ay dhaxalsiiso siigadu

1 ceebsi iyo shalayto joogta

Qof muslim ah ayaad tahay markad waxan samayso waad is ceebsanaysa waxaad markale is ceebsanaysa Balan intaad naftaada ka qaado oo dhaarato kitaab jaamaca marto ayaad oran ma samaynayo haddana Waad ku soo noqon shalayta ka dhalanaysa marka dambe ilaa heer aad gaadho murugada nolosha ku Haysata kugu badato.

Rafaadka iyo xanuunka ku dhaca ragga siigaysta Iyo waxyaalaha ay dhaxalsiiso siigadu
Rafaadka iyo xanuunka ku dhaca ragga siigaysta Iyo waxyaalaha ay dhaxalsiiso siigadu

2 Cabsi nololeed

cabsidu waxay badasha awooda ragganimo markay noqoto dhanka kalsoonida kalsoonidu aad bay daciif u tahay waana waxa keenay in ninku gabadh la hadli waayo ama inu shukaansan waayo.

3 waxba qabsan kari waydo

waxba qabsan kari maysid waxaad noqonaysa maqane jooga waad joogta haddana walow muuqaaga loo jeedo waxaa laga yaaba in cadaygaaga nadaafada jidhkaaga iyo meesha aad seexata goglitaankiisu waxaas oo dhan culays badan bay kula yihiin.

4 Dareenkii aad waydo

Waa xubinkaagga oo waaya dareenkii alle siiyay tani waxay ka timaada qabashada tirada badan .

Waxaa laga yaaba sadex goor afar goor shangoor rag sameeya inay jiraan gacmahaaga jeermiska leh Wasakhda ay leeyihiin.

5 Daal iyo culays

Jidhkaaggu inu daalan yahay marwalba waxaad dareemaysa daal tamar yari xoog aad ku dhaqaaqdo Mahaysid marwalba daciifnimo ayaad dareemaysa waana waxa keena wahsiga.