Dr-mahathir

Taariikhda raysalwasaarihii hore dalka maleysiya ilayskii usoo baxay dalka maleysiya aabihii horumarka mahatiir maxamed

Mahatiir maxamed wiil yar suuqa mooska ku iibiya haddana noqday hogaamiye dalka maleysiya waa Qisada dhabta nolosha halyaygan muslimka waa hogaamiyaha dhabta ee lagu tilmaami karo inu yahay Hogaamiyayaashii dunida ugu aragtida dheera dunida abid soomara.

Dalka maleysiya waa dal dhul ahaan aad uwaynayn masafada dalkaas waxaa lagu tilmaama{sadex boqol iyo labaatan kun kilomitir labajibaaran}tirada dadka maleysiya waxay dhanyihiin 27milyan.

Sanadkii 1981 ka hor waxay ahayeen dadka maleysiya dad aad uga hoseeya xagga nolosha waxbarashada,cafimaadka, iyo dhammaan kabayaasha dhaqaalaha waxaana lagu tilmaami jiray dadka kaynta madaama ay ku noolayeen kaymaha kana shaqaysan jireen samaynta xabagta beerashada mooska Iyo cananaaska celcelis ahaan dhaqalaha sanadlaha ee soo gala qofka maleysiyanka ah waxa uu ka hoseeyay kun dollar sanadkii.

Waxaa xiliga soconayay colaad ku salaysan diimo udhaxaysay sideed iyo toban diimood ka jiray dalka Sidoo kale waxaa ka dhacayay colaado iyo dagaalo isdaba jooga oo ku salaysan isir nacayb madaama Dalkaasi wadadaganyihiin qoomiyadha aasiya sida china,hindida,iyo qoomiyada layiraahdo malaay.

Xaalada mugdiga badan ay hagoognayd dalka maleysiya waxaa ilays unoqday halqof waliba kaso jeeda qoys danyar ah waa dr mahatiir maxamed.

Qofnocee ah ayuu ahaa mahatiir maxamed

Dr-mahathir
Dr-mahathir

Waxa uu ahaa yaranka sagaal caruur ah aabihiis waxa u macalin ka ahaa dugsiga hoose mushaharka u qaadan jiray maaha mid u suurtagalinaysay in uu rumeeyo wiilkiisa mahatiir riyadiisi ahayd in loo iibiyo baskiil uu ku tago iskoolka madaama ugudbay dugsiga sare dhaqaale xumida haysa qoyska mahatiir waxay ku kaliftay waqtigiisa ukala qaybiyo labo waqti waqti uu waxbarto iyo waqti uu iibiyo mooska iyo macmacaanka kuna iibinayo shaaricyada magaalada dadaal badan kadib waxa surtagashay mahatiir in u ku biiro kuliyada lagu magacaabi jiray kuliyada boqor idwaardo ee culuumta cafimaadka ee ku taalay singabuur intii jaamacada dhiganayay wuxuu caanka ahaa ardaydii dhigata kuliyadiisa madaama ku firfircoona qorista falooyinka cafimaadka waxbarashada horumarinta bulshada waxa uu madax unoqda ururka ardayda muslimiinta waxkabartay kuliyda boqor idwaardo.

Mahatiir ayaa dalkiisa dib ugu soo laabtay kadib marku ka qalinjabiyay kuliyada culuumta cafimaadka sanadku marku ahaa 1953 durbadiiba waxa ukamid noqday dhakhaatiirta dawlada inkasto markas maleysiya ku jirtay gumaysigii ingiriiska haddana mahatiir marlawaydiiyay.

Sidee naftiisu ugu ogolatay gumaysiga ingiriiska inu lashaqeeyo waxa u kujawaabay

anigu waxaan dawaynayay dadkayga iyagana ayaana wax usoo bartay cidkasta maamulaysay igama hor istaagin naftaydu inay lashaqayso dadka madaama dalka iyo dadku aasaas u ahayd xoriyada kadib markay hanteen dadka maleysiya xornimada waxa uu mohatiir furtay xarun cafimaad ugaar ahayd xaruntiisuna si lacag la’aan ah ayu adeeg caafimaad ugu fidinjiray dadka aan awooda dhaqaale ulahayn adeegyada caafimaad magaca iyo maamuuska mahatiir ayaa waqtiyar ku faafay dhammaan degaanka koti istaar oo ah gobolka uu kunoolyahay horena ugu dhashay arinkaasi waxay horseeday dr mohatiir maxamed in lugta lasoo galo arimaha siyaasada kadib markii gobolkaasi looga so doortay xubin barlamaan lagu kalsoonyahay.

Haddaba madaama siyaasadu tahay mid isrogrog badan oo aan kalasaarin dadka wanaagsan iyo dadka kale waxaa sanadkii 1969 laga xayuubiyay xilkii xildhibaanimo dr mohatiir kadib markii u jeediyay baaq dhaleecayn ah oo ku aadan raysalwasaarihii waqtigaas talada hayay oo la oranjiray tunk abdiraxmaan oo mahatiir ku tilmaamay inu ku fashilmay talada dalka madaama danta guud dalka ka hormarinayay danta qoomiyada china ee ku dhaqan dalka maleysiya baaqan muran badan dhaliyay ayaa sabab unoqday mohatiir laga xayuubiyo xubinimada golaha barlamaanka maleysiya sidoo kale isna wuxuu iskacasilay xubinimadii xisbiga dibunoqoshadan siyasadeed waxay fursad wayn unoqotay dr mahatiir waqti uhelay inu qoro buugiisa wayn lagu magacaabo malay dilemma buugas oo ah buug qaaliya oo u kagahadlayay dibu dhaca dalkiisa iyo dadkiisa.

Balse nasiibdaro xukumadii raysal wasaare tunku abdiraxma ayaa waqtigaa hor istaagay faafinta buugan madaama dr si kulul ucambaraynayo cagajiidnimada fikir la’aanta shacabka maleysiya gaar ahaan qoomiyada malayaha oo u kaso jeedo sanadkii 1974 waxa uu mahatiir ku guulaystay inu marlabaad dib ugu soo noqdo golaha barlamaanka maleysiya iyadoo lagu kalson yahay sidoo kale waxaa loo magacaabay wasiirka waxbarashada ee dalka maleysiya goobta ugu muhiimsan ee dad laga barbaariyo wadana lagu hogaamiyo.

Sanadkii 1981 loo doortay inu noqdo dr mahatiir raysalwasaarihii afraad ee soomara dalka maleysiya markii lawareegay jagada mahatiir raysalwasaaranimo waxa uu sawiray hiigsigiisa udoonayo inu gaadhsiyo maleysiya isago si cad uqeexay kala horaynta iyo kala muhiimsanaanta waxqabad golasha u hiigsanayo iyo miraha waxqabad la taabankaro waa waxkaliya hogaamiyayaasha caalamku isku dhafeen kala horayn waxqabad.

dhaqaalaha maleysiya markii hore ku tirsana xabagta iyo mooska waxa uu noqday mid sagaashan boqolkiiba ku tiirsan warshadaynta waxsoo saarista dalka.

Sanadkii 2003 waxa uu go’aansaday dr mohatiir in jagada raysalwasaaranimo kadago iyado dadka dalkaasi ujaceylyihiin ayna donayeen inta cimrigiisa ka dhiman mahatiir sii ahaado hogaamiye aan lataaban.

Lakiin taas waa u diiday mahatiir waxaana ku micneeyay jagadaasi ka dago in uu dib ugu celiyo dadka reer maleysiya si ay halkaas uga sii ambaqaadan geediga horumarka madaama talada dalka usoo hayay 21sano

Tags: No tags

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *