Exam

Talo bixin muhiim ah imtixaanka ka hor inad samayso

Kahor inta aadan akhrin iskuday in aad ka fogaato waxwalba ku mashquulinaya sida mobilka iyo aaladaha Kale elegtarooniga ku ogolanaya in aad gashid baraha bulshada ee kala duwan si ay ku mashquuliyaan.

Degso qorshe aad wax ku akhrinayso ama aad ku murajicaynayso adigo dajinaya malinwalba iyo saacad Walba waxaad qabanlahayd.

Ku dadaal inad hesho waqti aad ku jimicsato arintaasi waxay ka kalmaynaysa in maskaxdaadu in ay firfircooni samayso waxayna ku ilowsinaysa walwalka xaladaha ku haysta ee kala duwan.

Waqtiga imtixaanka si fiican uga faker caafimaadkaaga hacunin cunto aadan cuni jirin si aysan calooshada samayn ugu yeelan cunto haddaad cunayso hayska dhargin wuxuu yiri imaamu shaafici {dharagtu jidhka way cuslaysiisa qalbigana way qalajisa caqligana way suulisa waxayna keenta hurdo in aad cibaado samaysidna wayna daciifisa}.

Xiliga aad wax akhrinayso ku dadaal in aad qaadato waqti nasasho bireega marwalba aad dareento culays sida caajis,hurdo,Iwm.

Niyad jabka iyo calaacalka jooji maskaxdaadana kabixi fikradaha dadka maskaxda leh ayaa baasaya waqtiga aad hadda ku jirtid ayaa ah waqtiga dhabar adayga in aad niyad jabto oo aad qalqasho faca ayaad ka hadhaysa.

Marka aad waxmuraajacaynayso ka bilow casharada fudfudud si aad meel isaga tiiriso lakiin marka aad imtixaaan ku jirtid bilcagsigeeda samee ka bilaw mida adag.

Exam
Exam

Tags: No tags

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *